The City of Hopkins is a safe and welcoming community to all. We know many community members, including our Somali neighbors, have heard about immigration officials conducting operations in Minneapolis and St. Paul. We want to reassure you that our City and Police Department do not enforce immigration laws. These activities are part of a federal operation, not a local law enforcement operation, and we have not received any indication that such operations will occur in Hopkins.
We understand that these reports may create fear or uncertainty. Please know that you are valued, and your safety and well-being remain our priority. Hopkins is stronger because of its diversity, and we remain committed to supporting every member of our community.
Somali Translation
Magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota waa magaalo nabdoon oo soo dhowaysa dhammaan bulshada. Waan ognahay in dad badan oo bulshada ka mid ah, oo ay ku jiraan jaaliyadda Soomaalidu, ay maqleen warar ku saabsan saraakiisha socdaalka oo howlgallo ka sameeyay Minneapolis iyo St. Paul. Waxaan rabnaa inaan idin xaqiijino in Magaalada Hopkins iyo waaxda Booliska Hopkins aanay dhaqan galin sharciyada socdaalka ee federaalka. Hawlgalladani waa howlgalo federaal ah, ma aha mid ka socda fulinta sharciga ee deegaanka, mana hayno wax xog ah oo muujinaysa in hawlgallo noocaas ahi ka dhici doonaan Hopkins.
Waxaan fahamsanahay in wararkani ay abuuri karaan cabsi ama hubanti la’aan. Fadlan ogaada in la idiin qadariyo; badqabkiinna iyo wanaaggiinnu waa mudnaanta koowaad ee naga go’an. Hopkins waxa ay ku xoog badan tahay kala duwanaanshaha darteed, waxaana naga go’an inaan taageerno dhammaan xubnaha bulshada.